Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku wajahan Degaanada Puntland
    Somalia

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku wajahan Degaanada Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (A. Madoobe), ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku imaado Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sida ay Shabakadda Idil News u xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Madaxtooyadda Jubbaland.

    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshuhu yahay imaanaya Magaalada Garoowe horaanta Todobaadka soo socda, waxaana uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa inay ka wada-hadli doonaan arrimo ku saabsan doorashada 2020/2021 ee Soomaaliya iyo xiriirka dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada dalka.

    Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlaa tabashooyin bulshada kasoo jeeda Beesha Harti ee ku nool Degaanada Jubaland ay ka qabaan Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

    Si kastaba ha ahaatee, socdaalka la filayo in todobaadka soo socda uu ku yimaado Madaxweyne Axmed Madoobe Garoowe, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo dib u doorashadiisii, oo ay Puntland ku Bixisay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.