Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni “Ciidanka lagu soo daabulayo Dhuusamareeb waxay saameyn ku yeelan karaan Amniga Puntland”+VIDEO
    Puntland

    Madaxweyne Deni “Ciidanka lagu soo daabulayo Dhuusamareeb waxay saameyn ku yeelan karaan Amniga Puntland”+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019Updated:October 30, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo daad-gureynaysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ay kamid tahay Magaalooyinka ugu ammaanka badan Dalka, ayna Maamulo ka jireen 12 sanno ee ugu dambeeyay, isagoona walaac ka muujiyay sababaha keenay in xilligan Dhuusamareeb lagu soo daabulo Ciidamo, Iyadoo ay qeybo kamid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay heystaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/481670372437657/

    Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay jiri karto saameyn amni oo Ciidankaas ay ku yeelan karaan Degaanada Galmudug iyo Puntland oo daris la ah.

    Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka inay ka hor-tagaan saameyno ka dhasha Ciidankan lagu soo daabulayo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.