Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni “Dadka Reer Puntland waxaa gashay Cabsi aysan dhaqan u laheyn” (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni “Dadka Reer Puntland waxaa gashay Cabsi aysan dhaqan u laheyn” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    CARMO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si kulul uga hadlay xaalada amni ee Gobalka Bari, Isagoona sheegay in Shacabka Puntland ay haatan la nool yihiin waxaan horey loogu baran.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in uu faraha kasii baxaya Sanadihii ugu dambeeyay amniga Gobalka Bari, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Dowladda Puntland.

    Waxaa tilmaamay in Ganacsatada Puntland ay bilaabeen inay ka cararaan Hantidoodi iyo Degaankii ay ku noolaayeen, taas oo uu xusay inay tahay bahdilaad aan horey loogu baran Bulshada ku dhaqanka Mandiqada Puntland, oo ahaa Bulsho u dirirta ku noolaanshaha Nabada iyo Sharafta.

    Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dadka ammaan darada ka wada Magaalada Boosaaso ay ugu horeeyaan Dhalinyarada Degaanka, isagoona wacad ku maray in ayasan jiri doonin cid ay uga heebeysanayaan jiritaanka Nabada iyo Nolashada Dadka Puntland.

    Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Dadka Reer Puntland inay u istaagaan ilaalinta nolashooda, ayna garab buuxa ku siiyaan in laga adkaado Cadowga ku haminaya inay baabi’iyaan wixii ay kusoo noolaayeen intii ay jireen oo ay ugu horeeyaan Nabada iyo Midnimadooda.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu Shacabka kula hadlayay shalay Degmada Waaciye ee Gobalka Bari, isagoona la filayo in saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/362188191292608/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.