Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni iyo sababta shirka loogu celiyey Muqdisho??
    Somalia

    Madaxweyne Deni iyo sababta shirka loogu celiyey Muqdisho??

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Deni iyo sababta shirka loogu celiyey Muqdisho??

    Madaxweyne Deni ayaa ka mid ahaa madaxadii Soomaaliyeed ee ka qeyb gashay Shirkii Dhuusamareeb 4 ee la qabtay 1-7 Febraayo. Shirkaas oo uu ku baaqay Madaxweyne Farmajo in la isugu tago si loo dhameystiro aragti kala duwanaanshihii ka soo baxday heshiiskii Doorashooyinka ee 17 September iyo Habraacii 1da October 2020.

    Arrimaha lagu kala aragti duwanaaday:

    1. Arrimaha Gobolka Gedo
    2. Maamulka iyo Maareeynta Doorashada Somaliland
    3. Hufnaanta, kartida iyo Dhexdhexaadnimada Guddiga Doorashooyinka

    Madaxweyne Deni wuxuu ka mid ahaa Guddigii Madaxweynayaasha ee loo xilsaaray xallinta qodobka ku saabsan khilaafaadka Gobolka Gedo iyo qabsoomidda Doorashooyinka ee degmada Garbahaarey.

    Doodo qaatay saacado fara badan iyo maalmo kaddib waxaa hubaal ah in heshiis lagu gaaro Dhuusamareeb in ahayd arrin aad u dhow, lana xalliyay khilaafadkii jiray 80%.

    Arrimaha Gedo”
    Madaxweyne Deni iyo kooxda la shaqeynaysay waxay u arkeen in Gedo looga baahan yahay:

    1. Xabbad joojin deg deg ah
    2. Heshiis leh dhowr heer mid dhow, mid dhexe iyo mid mustaqbal.

    Madaxweyne Deni wuxuu soo bandhigay”

    1. In Guddi ka kooban 4 Wasiir la magacaabo
    2. In lagu dhawaaqo xabbad joojin
    3. In Guddigu uu qabto shirar dib u heshiineed
    4. In PL, JL iyo Dowladda Dhexe taageeraan dib u heshiisiinta dhinacyada Farsamada, Dhaqaalaha iyo wadahadalka
    5. In markaas kaddib Madaxweynaha JL soo dhiso Maamulka Gobolka Gedo iyo Degmada Garbahaarey ee loo dhan yahay oo ka soo unkamay dib u heshiisiinta

    Nasiiba wanaag, Md Axmed Madoobe waa aqbalay waana ka tanaasulay arrimo fara badan oo uu tirsanayey oo ay ka mid ahayd hagardaamo balaaran oo isugu jirtay curyaamin dhaqaale, siyaasadeed iyo Amni oo Dowladda iyo Shacabka JL ay kala kulmeen Dowladda Madaxweyne Farmaajo 4tii sano ee la soo dhaafay.

    Nasiib darro, Madaxweyne Farmaajo waa ka hor yimid arrintaas, shirkiina wuu ka soo baxay.

    Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor,ayaa ka Carooday in ay ku qanci waayay MD Farmaajo dadaalkoodii.

    Madaxweyne Deni oo ugu danbeeyey ilaa sagaal saac oo habeenimo,ayuu isku dayay in uu ku qanciyo Farmaajo in uusan shirka ka tegin, balse ma suurto gelin.

    Haddaba, sidee Farmaajo ku keenay in uu shirkii u shalay ka soo tegay ee asagu fashiliyey, hadanacu doonayaa in uu si la mid ah Deni iyo PL qoorta ugu suro arrimo aan lagu heshiin.

    Nasiib wanaag MD Deni,ayaa sida saxda u sheegay in maanta talada la balaariyo oo Muqdisho layskugu tago,si halkaasoo ay ku dhan yihiin Gudoonka labada Aqal, Murashaxiinta iyo Beesha Caalamka loola soo dhowaado si loo dhamaystiro shirkii Dhuusamareeb 4.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.