Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u duulay Kismaayo
    Somalia

    Madaxweyne Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u duulay Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u amba baxay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

    Madaxweyne Deni oo hoggaaminaya waftigii ugu balaarnaa ee ka baxay Gudaha Soomaaliya, ayaa ka duulay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana waftigiisa kamid ah Senatorro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame.

    Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka qeyb-galaysa Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

    Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ee Magaalada Kismaayo oo shalay hakad ku yimid, ayaa ku soo beegmay iyadoo uu natiijo laโ€™aan ku dhammaaday kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Habeen kahor, kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Dowladda Puntland iyo Villa Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.