Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u duulay Kismaayo
    Somalia

    Madaxweyne Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u duulay Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u amba baxay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

    Madaxweyne Deni oo hoggaaminaya waftigii ugu balaarnaa ee ka baxay Gudaha Soomaaliya, ayaa ka duulay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana waftigiisa kamid ah Senatorro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame.

    Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka qeyb-galaysa Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

    Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ee Magaalada Kismaayo oo shalay hakad ku yimid, ayaa ku soo beegmay iyadoo uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Habeen kahor, kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Dowladda Puntland iyo Villa Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.