Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Guud ee Garoowe (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Guud ee Garoowe (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 20, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo loona dhisayo hab casri ah.

    Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya, wuxuuna u mahadceliyay Dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha.

    Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta.

    Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Madaxda Hay’adda UNICEF iyo Injineerada dhisaya dhismaha cusub ee Isbitaalka guud ee Garoowe.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.