Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo furay Horyaalka Kubadda cagta Puntland (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo furay Horyaalka Kubadda cagta Puntland (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 15, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha Garoonka kubadda Cagta Garoowe ee Mire Awaare.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale furay Horyaalka kubadda cagta ee Puntland oo ay ku tartamayaan 9 Kooxood oo heerka kowaad ah, taasi oo galabta lagu bilaabay Kooxaha Boosaaso FC iyo Garoowe FC oo ciyaartii koowaad ku dhameystay barbardhac Labo iyo Labo ah.

    Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay qabteen guddigii dhismaha garoonka Mire Awaare wuxuuna guddoonsiiyay Abaalmarin, isagoo ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga labaad ee dhismaha garoonka . Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhiirrigeliyay kooxaha ka qeybgalaya tartanka horyaalka kubadda cagta ee Puntland.

    Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa munaasabadda ka shaaciyey in 1-da August uu Garoowe ka furmi doono tartanka kubadda Cagta ee Gobolada Puntland.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jira Goleyaasha Puntland, Xubno ka socda DFS, Taliska Ciidamada Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan Degmada Garoowe, Masuuliyiinta Ciyaaraha ee Puntland, marti sharaf kale iyo taageerayaasha kooxaha ciyaaraya oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.