Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo ka hadlay Tageerada Imaaraadku siiyo Ciidanka PMPF-ta (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka hadlay Tageerada Imaaraadku siiyo Ciidanka PMPF-ta (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 31, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Taliska Guud ee ciidanka Badda Puntland ‘PMPF’ iyo dekedda Magaalada Boosaaso.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Madaxweynaha Puntland oo Kormeerka kadib la hadlay masuuliyiinta iyo Saraakiisha ciidanka Badda Puntland ‘PMPF’ ayaa mahad-balaadhan u jeediyey Dowladda Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haya ciidamada PMPF.

    “Waxaa sharaf weyn ii ah aniga iyo waftiga ila socdey in aan soo booqano xerada ciidmada Badda ee PMPF, waxaa marka ugu horeysa jecelahay in aan u mahadnaqo dowladda Imaaraadka Carabta oo runtii gacan weyn naga siisay sidii Puntland uga guulaysan lahayd burcad badeeda, sidoo kalena hada ku jirta in ay ka guulaysato Shabaab iyo Daacish, waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa dhamaan Dowladda Imaaraatka iyo shacabkeedaba” ayuu yiri Madaxweyne Deni

    Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray Dekedda Magaalada Boosaaso oo ay ka socotey shaqo balaadhan oo muhiim ah, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerka kadib kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Khayraadka Badda Puntland Maxamed Siciid Majiino, masuuliyiinta dekedda iyo Taliyaha Ciidanka dekedda Boosaaso.

    Kormeerka Madaxweynaha Puntland ee dekedda magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo khayraadka Badda Puntland Maxamed Siciid Majiino.

    “Maanta waxaa booqsho noogu yimid Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynha waxaanu siinay warbixinta xaaladda Dekedda iyo sida ay u shaqayso iyo amniga dekedda guud ahaan, si qurux badan bay-noogu soo dhammaatay, waxaana rajaynaynaa in shaqda dekeddu aad u wanaagsanaato Inshaa’Allaah:

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/258357825118922/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.