Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kormeeray Cisbitaalka Guud ee Boosaaso (VIDEO+Sawirro)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kormeeray Cisbitaalka Guud ee Boosaaso (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo Xarunta Gobolka Bari.

    kormeer Madaxweynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka warbixiyey Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac, Af-hayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in komeerka Madaxweynuhu uu ugu kuurgelayey shaqooyinka muhiim ka ah ee labadani xarumood u hayaan Bulshada.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/2455862501298647/

    “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxa uu kulan laqaatay maamulka Cisbitaalka oo Madaxweynaha usoo gudbiyey warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ay kusoo bandhigayeen xaaladihii kala duwanaa ee uu Cisbitaalku soo maray, shaqooyinka uu bulshada u hayo iyo qorsheyaasha u yaalla”

    “Madaxweyne Deni intaasi kadib waxa u booqday qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Cisbitaalku, wuxuu arkay shaqada halkaasi ka socota bukaanka jiifa iyo sida shaqaaluhu ay heegan u yihiin, waxa uu bogaadiyey shaqada adag ee ay maamulka iyo shaqaaluhu u hayaan bulshada gobolka, Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka” Ayu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka. kormeerada iyo kulamada bulshada gobolka Bari ayaa qayb ka ah isku-duubnida iyo isku xidhnaanshaha shacabka iyo dowladda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.