Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kormeeray Cisbitaalka Guud ee Boosaaso (VIDEO+Sawirro)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kormeeray Cisbitaalka Guud ee Boosaaso (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo Xarunta Gobolka Bari.

    kormeer Madaxweynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka warbixiyey Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac, Af-hayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in komeerka Madaxweynuhu uu ugu kuurgelayey shaqooyinka muhiim ka ah ee labadani xarumood u hayaan Bulshada.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/2455862501298647/

    “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxa uu kulan laqaatay maamulka Cisbitaalka oo Madaxweynaha usoo gudbiyey warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ay kusoo bandhigayeen xaaladihii kala duwanaa ee uu Cisbitaalku soo maray, shaqooyinka uu bulshada u hayo iyo qorsheyaasha u yaalla”

    “Madaxweyne Deni intaasi kadib waxa u booqday qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Cisbitaalku, wuxuu arkay shaqada halkaasi ka socota bukaanka jiifa iyo sida shaqaaluhu ay heegan u yihiin, waxa uu bogaadiyey shaqada adag ee ay maamulka iyo shaqaaluhu u hayaan bulshada gobolka, Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka” Ayu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka. kormeerada iyo kulamada bulshada gobolka Bari ayaa qayb ka ah isku-duubnida iyo isku xidhnaanshaha shacabka iyo dowladda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.