Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo Kormeeray Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray taliska guud ee ciidanka Booliska Puntland ee magaalada Garoowe.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisa uga gollahaa Korjoogtayna hawlaha shaqo ee ay hayaan xafiisyada taliska Guud ee ciidanka Booliska Puntland, kuwaasi oo kala ah 
    Xarunta CID-da Puntland, Qaybta gobolka Nugaal iyo Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.

    Madaxweynaha Puntland ayaa guud ahaan kormeeray xafiisyada Taliska ciidanka Puntland, halkaasi oo ay ku sugnaayeen sarakiisha ciidanka Booliska, cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland oo Madaxweynaha siiyey salaan sharaf iyo masuuliyiin kale, waxaana uu Madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Taliye Xigeenka ciidanka booliska iyo saraakiisha ciidanka isagoo ka xog waraystay habsami u socodka hawlahooda shaqo.

    Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdisemed Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey muhiimadda Kormeerka Madaxweynaha.

    “Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kormeer ku sameeyey Taliska Ciidanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxa uu kormeeray Madaxweynuhu dhammaan xafiisyada Taliska ciidanka Booliska qaybta Gobolka Nugaal, Maxkamadda ciidamada qalabka sida, heer Gobol iyo heer Puntland-ba, qaybta hogaanka dembi baadhista CID-da, halkaasi oo aanu kala kulanay dhalinyaro ay tababareen ilaa haddana ay gacanta ku hayaan hay’adda Bank Kraft, kuwaas oo 20 qof ah, kuna soo bandhigay tababarka ay qaateen xarunta dhexdeeda si xirfadu ku jirto.

    “Kadib waxa uu Madaxweynuhu shir la qaatay saraakiishii Booliska ee halkaasi ku sugnayd, waxa uu Madaxwdeynuhu u soo gudbey kormeerna ku sameeyey Xarunta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta qaybaheeda kala duwan iyo qayb cusub oo lagu soo kordhiyey wasaaradda taasi oo uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray, xafiis kaas oo loo bixiyey Xafiiska diwaan gelinta saraakiisha fursadda u helay inay tababaro kusoo qaataan dalka dibaddiisa, isla markaana aan xilhayn una diyaarsan ka qayb noqoshada laamaha Amniga iyo ciidamada”.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/637955523329087/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.