Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Golaha Garsoorka Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

    Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu uga gollahaa kormeerkan korjoogtaynta shaqooyinka baaxaddale ee ay hayaan hawlwadeenada Golaha, sare u qaadidda iyo tayaynta Golaha Garsoorka Puntland.

    Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

    “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Xarunta Golaha Garsoorka, Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinayey Kormeerka ayaa mid mid u galay xafiisyada xarunta, waxaana uu Madaxweynuhu kulan Gaara la qaatay Guddoomiyaha, xeer ilaaliyaha iyo dhammaan hawlwadeenada Maxkamadda” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

    “Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa uu Madaxweynuhu kulan gaara la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda iyagoon ka wada-hadlay Tayaynta iyo kobcinta dakhliga dowladda iyo miisaaniyaddaba”Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/825631234453925/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.