Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Wajigii Labaad Ee Dagaalka
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Wajigii Labaad Ee Dagaalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 30, 2025Updated:January 30, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso : 30 January 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka qeybgalay bandhiga Ciidan ee diyaargarowga wejiga Labaad ee Argagixisada looga sifaynayo Buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka ku sugan Cal-miskaad guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka. Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQMFdyAXakK0mK2hL5RNLoL5_93hep7Ucv5qCFm6wV8hmh_c_SjQ3uPEVzrs3HBMa8xtP8mPQ1cPoJf1bc7zJ1v5.mp4

    Madaxweynaha ayaa siweyn ugu boggaadiyey isku duubnida iyo garab Istaaga Ciidan ee ay sameeyeen dadka reer Puntland intii uu hawlgalka socday. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Haweenka Puntland oo garab istaag iyo dhiirigelin la garab taagan Ciidanka tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQMTTbWWGyMUgqkXUeecg-EwA-_OKATgGO79kbZ9lPixpkQ-pJSydPGx9-24yDRulLLX3-yVMI3nscacXwhr16JF.mp4

    Munaasabadda diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka argagixisada daacish looga ciribtirayo Cal-miskaad, waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland oo soo dhameystay tababar gaar ah, isla markaasina ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona wejiga labaad ee Howlgalka ka socda Cal-miskaad.

    – DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND -.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.