Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kulan Is barasho ah u Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kulan Is barasho ah u Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qado sharaf isbarasho ah u sameeyey Goleysaha Dowladda Puntland sida Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka.

    Qada sharafta isbarashada ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahadnaqay Goleyaasha dowladda gaar ahaan Golaha Wakiillada,

    “Munaasabaddan waa isbarasho iyo mahadcelin Golaha Wakiillada Dowladda Puntland talaabadii taariikhiga ahayd ay shalay qaadeen ee ansixinta Golaha Wasiirada oo ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen si aan horay uga dhicin Puntland aad baad u mahadsantihiin”Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni oo munaasabadda khudbad taariikhi ah ka jeediyay ayaa Goleyaasha dowladda Puntland uga mahad naqay shaqooyinkii adkaa ee ay qabteen xiligii lagu guda jirey doorashada iyo Isbedelka maalmihii taariikhiga ahaa.

    “Runtii waxaa sharaf ii ah in aan hortiina soo istaago anoo magiciina ku hadlaya, inaan u mahadceliyo shaqadaas baaxadda weyn ee laga soo bilaabo December 03 2018 iyo intii ka horeysayba ee doorshada lagu jirey dadkii suurta galiyey oo ay ciidamadu ku jiraan, isimada oo laf dhabar u ahaa in nidaamkii siyaasiga ahaa ee kala wareegaayey ay si wanagsan u korjoogteeyeen, waxaan si balaadhan ugu mahadnaqayaa shacab weynaha Puntland sida ay ula socdeen isbedalka siyaasadeed ee ka dhacaayey wadanka iyo doorka shariifka ah ee ay ku lahaayeen marxaladdii ololaha adag ee dalka ka qabsoomay iyo sida wanagsan ee ay u ilaaliyeen shacabku nabadgelyada iyo xasiloonida guud ee Puntland iyo natiijooyinka dimuquraadiga ah ee soo baxayey ay u aqbaleen,

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dolwadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mahad ballaaran u soo jeediyey Golaha wakiillada Dowladda Puntland ee ay ugu horreeyaan Guddoonka Golaha Wakiillada sida wanagsan ee ay u daadihiyeen shaqada wadanka intii ay la wareegeen xilka, isla’markaana Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay ansixintii Golaha xukuumadda iyo barnaamij siyaasadeedka xukuumada

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/1922854821145718/

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.