Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Madax ka socota Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Madax ka socota Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafti ka socodey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna.

    Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Madaxda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Seyid Cumar Guuleed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan Cali, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa mashaariic horumarineed oo ay Puntland ka hirgelindoonaan oo ay ugu horayso dhismaha xarunta mashiinka lagu sifeeyo Kelyaha (Dialysis Machines) oo ay horey uga codsatey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo ka qayb qaadashada dhismaha iyo dayac tirka cisbitaalka Caasimadda Garoowe.

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa ka warbixiyey kulanka.

    “Waxaanu kulan kula yeelanay Madaxtooyada Dowladda Puntland Hay’adda khayriga ah ee Boqor Salmaan, waftigaasi waxa ay u socdeen ka qayb qaadashada horumarinta caafimaadka, mashruuca ugu weyn oo ay hada khaaska ugu socdeen waxaa uu ahaa mashruuc lagu dhisayo meel kelyaha lagu mayro meeshaas oo ah meel aad loogu baahan yahay, waxaan ku hishiiney in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisi doonaan xarun kelyaha lagu mayro,

    “Sidoo kale waxaa ku heshiiney marka xaruntaas la dhammeeyo in laga dhisi doono kuwa lamida kuwaas magaalooyinka kale ee Puntland” Ayuu yiri wasiirka Caafimaadka Dr. Jaamax Faarax Xasan.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/368160377102189/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.