Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladd Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

    Kulanka ayaa muhiimaddiisu ahayd isbarsho guud oo dhex martay Madaxweynaha Puntland iyo Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dar-dargelinta dhismaha wadada, xog guud oo la xidhiidha habsami u socodka iyo caqabadaha jira.

    Sheekh Maxmuud Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa ka warbixiyey waxa uu ku saabsanaa kulanka maanta dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Guddiga Dhismaha wadada

    “Maanta waxaa qabsoomay kulankii ugu horreeyey oo dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland intii la doortey iyo guddiga wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo shirkaasna waxa uu ku saabsanaa guud ahaan is xog wareysi, guddigu in uu fursad u helo oo ay Madaxweynaha uga waramaan wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo sida ay marka hore ku bilaabatay, hada Meesha ay marayso shaqadeedu sida ay u socoto, muuhiimmadda koowaad ee maanta laga lahaa waa sidaas, guddigu waxa ay Madaxweynaha uga warameen wadada shaqadeedu sida ay u socoto, dhaqaalaha wadada soo galay iyo Meesha ay wax marayaan ayey ka warameen’’ Ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

    Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta Puntland iyo sidii loola jaan qaadi lahaa wadamada Horumaray ayaa balan ku qaaday in uu dhamaystiri doono wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo mashruuc kasta oo wadanka hurumarkiisa ah.

    Daawo.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.