Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo sheegay inay baaris ku socota weli Kiiskii Caa’isho Ilyaas (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo sheegay inay baaris ku socota weli Kiiskii Caa’isho Ilyaas (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 19, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah CAASH Aabaheed, waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiiru dowladha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saharciga, Xasan Yuusuf Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

    Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga la horgeynaayo dadka falkaasi geystey, wax naxariis ah oo loogeleyaana aanay jiridoonin, isla’markaana kiiskaasina lagu dhammayndoono si deg deg ah.

    “Marka ugu horeysa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa marlabaad Ehelada Caasha iyo qoyskeeda inta ila joogta oo Aabaheed ugu horeeyo, Allaah samir iyo iimaan haka siiyo gabadhaas saqiirka ah oo runtii gardarada iyo gefka foosha xun loo geystay, waxaan runtii aad uga xumaha in arrintaas oo kale ay ka dhacday meel adduunka ka mid ah, Soomaaliya gaar ahaan Puntland in ay ka dhacday waan kasii xumahay.”

    “Waxaan rajeynayaa Inshaa Allaah iyada oo laamaha amniga ay gacanta ku hayaan baaritaanka iyo in si dhakhso ah dadkii eedeysanayaasha ahaa ee dilka foosha xun gaystay cadaaladda lahorkeenidoono, waxa ay mudan yihiina la marindoono, iyada oo waxdib u dhac ahna uusan jiridoonin hadii Alle idmo”

    Dhinaca kale Madxweyne Deni ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda, kana dhiidhiyaan falalka lagula kacayo aruurta yar-yar ee aan mutaysan falalka foosha xun ee ugub ka ku ah dalka, Madaxweyanaha ayaa dhaqanka caasha lagula kacay ku tilmaamay wax xun oo aan abid ka dhicin adduunka.

    “Waxaan runtii ehelada, qaraabada, asxaabta, dadka Puntland oo dhan iyo dhammaan intii ka damqatay aan la wadaagaya tacsidaas tiiraanyada leh, waxaan rajaynayaa in ay cashar u noqoto Caasho gabdhaha da’deeda ah ee dhibaatooyinka meel kasta loogu geysanaayo, dadka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa maanta in ay u kacaan sidii sharaftooda ay u ilaashan lahaayeen in gabdhaha aan dhalnay ee yar-yar ka ah ee dhibaatooyinkaas iyo kuwa lamidka ah loo gaysto, runtii waxa ay nagu tahay ceeb waana dhaqan ay ummaddan aysan lahaan jirin oo runtii u baahan meesha uu kasoo galay iyo sidii loo cirib tiri lahaa la’iska kaashado Dowlad ahaan iyo shacab ahaanba” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    Ugu dambeyn, Ilyaas Aadam Qarjab oo ah Caasho Aabeheed ayaa sheegey in si wanagsan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland u qaabiley, isla’markaana uu Madaxweynuhu balan ku qaaday in sharciga lamarin doono danbiilayaashii falkaas arxandarada ahaa geystay si ay ugu cibro-qaatan cida danbe ee niyaysata fal nocaas ah.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/2000299970273744/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.