Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo u dhoofay Imaaraadka Carabta, kana hadlay Safarkiisa (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo u dhoofay Imaaraadka Carabta, kana hadlay Safarkiisa (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

    Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ku sii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo

    Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey safarka uu ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu tilmaamay in safarkani ku qotomo adkaynta xidhiidh ka labada dhinac ee arrimaha ganacsiga.

    “Maanta oo bishu tahay April 08 2019 waxaan safar ugu socdaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaa i weheliya wafdi wasiiro ka kooban, waxaan rajaynayaa mudada aan ku maqanahay howlo dhowr ah oo dalka Imaaraadka iyo Puntland u dhexeeyey aan kasoo wada hadalno oo ay ugu muhiimsan tahay sidii labada ganacsi loo sii xoojin lahaa oo ay ugu horayso xoolaha Puntland oo waayadaan laga joojiyey dalka Imaaraadka sidii loo furi lahaa,

    “Sidoo kale maadaama Puntland ay garoomo casri ah dhisatay sidii diyaaradaha Imaaraadku u imaan lahaayeen garoomaha Boosaaso iyo Garoowe iyo Arrimaha DP WOLRD, Dawladda Imaaraadku waxay naga caawisaa ciidanka PMPF oo shaqo weyn ka haya dhinaca xeebaha iyo ladagaalanka argagixisada oo ayana u baahan horumarin dhinaca ciidanka ah maadaama ay culays amni soo bateen, siday nooga taageeri lahaayeen in aan kala hadalno iyo arrimaha ku saabsan horumarinta dhinaca dhaqaalaha”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/262569317982293/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.