Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhab baa inuu Madaxweyne Deni xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobalka Bari ?
    Somalia

    Ma dhab baa inuu Madaxweyne Deni xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobalka Bari ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 3, 2019Updated:October 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), kaas oo sanadihii ugu dambeeyay maamulayay Gobalka.

    Xil ka qaadista Mr. Dhedo ayaa timid kaddib markii Madaxweyne Deni uu ku eedeeyay Guddoomiyaha inuu gabay waajibaadkii uu Gobalka Bari uga hayay Dowladda ee aheyd Matalaada Dowladda iyo in uu Shacabka ku qanciyo Siyaasadaha Dowladda ee ku aadan Xasilinta amniga iyo dhaqaalaha Gobalka, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga Puntland.

    Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Bari loo magacaabi doonaa Maxamed Siciid Kaashawiito, wallow aan la shaacin.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dib u habeyn ku wada Maamulka Gobalada Puntland ku matala Dowladda, isagoona horey ugu magacaabay Guddoomiyayaal Cusub Gobalo ay kamid yihiin Mudug, Karkaar iyo Sanaag, isagoona haatan ku sugan Magaalada Boosaaso oo uu ka waday muddooyinkii ugu dambeeyay kulamo uu la yeelanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.