Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni “Puntland iyo Jubbaland waa Labo indhood oo loo baahan yahay inay isku seexdaan”+VIDEO
    Puntland

    Madaxweyne Deni “Puntland iyo Jubbaland waa Labo indhood oo loo baahan yahay inay isku seexdaan”+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019Updated:October 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa kulan kula qaatay Ceelka Biyo-kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso Isimada, Nabaddoonasa iyo Waxgaradka gobolka Bari, ayaa haldoorka gobolka Bari uga warbixiyey kulamo muhiim ah oo uu la qaatay shacabka Jubbaland waxa uu tilmamaay in Puntland diyaar u tahay garab istaagga shacabka Jubbaland iyo dhismaha dowladnimadooda.

    “Runtii degaanada Jubbaland iyo Puntland waa mataano, Soomaalidu waxay tiraahdaa Indhuhu waa isku seexdaane Makala seexdaan, Puntland iyo Jubbaland waa laba indhood oo inay isku seexdaan loo baahan yahay, waan garanayaa dadkaas dereenkoodu sida uu ahaa siday u danaynaayaan Puntland garab istaageeda, dadka halkan ku dhaqan dadkooda kale ayaa joogey , waxaan fursad u helay dadkaasi sida ay u dhaqan yihiin inaan u la kulano, saad la socotaan dowladda dhexe arrintaasi saluugmo ayay ka muujineysey, aad baan runtii isugu deyey in arrintaas laga gudbo oo xaaladda doorasho ee meesha ka dhacday sida aqlabiyadda dadku ay danta bideen oo door bideen in Axmed Maxamed Islaam oo aniga laftaydu qirayo inuu ku haboon yahay ay doorteen”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/669584343528915/

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in Madaxdii Kismaayo ka qayb gashay caleema saarka Madaxweynaha cusub oo ay kamid ahaayeen Madaxweynayaal hore ay saluug iyo dhiilo ka muujiyeen cabudhinta jirta, waxa uu xusay Madaxweynuhu in uu talo badan iyo tusaale kasiiyey arrintaasi, dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Puntland inay ilaashadaan xasiloonidooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.