Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Erdogan oo farriin u diray dalalka Khaliijka iyo Masar
    Somalia

    Madaxweyne Erdogan oo farriin u diray dalalka Khaliijka iyo Masar

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 2, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkey ayaa rajeyneysa inay sare u qaado Iskaashiga Masar iyo dalalka Khaliijka ayada oo lagu saleynayo “guul labada dhinac ah”, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

    Ankara ayaa ka shaqeyneysa inay hagaajiso xiriirka xumaaday ee kala dhaxeeya Qaahira iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka kadib sanado xiisad ah.

    Xiriirka Ankara ee Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa u xumaaday arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mowqifyo is-diidan oo ay kala taagan yihiin Islaamka siyaasiga ah, dagaalka Libya, iyo dilkii Jamaal Khaashuqji ee October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

    Turkey ayaa bilihii dhowaa isku dayeysay inay hagaajiso xiriirka, waxayna wafdi u dirta Qaahira, halka wasiirka arirmaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu dhiggiisa Sacuudiga wada-hadallo kula yeeshay Riyadh.

    “Damaceena waa inaan fursadahan u adeegsano iskaashi heerka ugu sarreeya ah, oo aan hormarino xiriirkeena si ku dhisan guul labada dhinac ah…waxayna xaaladdan sidoo kale ku dabaqdaa dalalka Khaliijka,” ayuu Erdogan u sheegay taleefishinta dowladda ee TRT.

    “Waxaan jirta suurta-galnimada iskaashi dhab oo aan Masar kala yeelano arrimo ay ka mid yihiin badda Mediterranean illaa Libya,” ayuu yiri, isaga oo ku daray “inuu jecel yahay” dadka Masar. “Sidaas darteed, waxaa naga go’an inaan hanaankan dib u billowno.”

    Turkey ayaa bishii tagtay wafdi u dirtay Qaahira, halkaasi oo labada dhinac ay wada-hadallo ku yeesheen, taasi oo aheyd xiriirkii ugu horreeyey ee toos ah ee dhex-mara labada dhinac tan iyo markii afgambi militari xukunka looga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursal, 2013-kii.

    Sidoo kale, Ankara ayaa hoos u dhigtay cambaareyntii ay u jeedin jirtay Sacuudiag ee la xiriirtay dilkii Khaashuqji, xilli Sacuudiga ay joojiyeen inay badeecdaha kasoo dhoofsadaan Turkey.

    Kadib wada-hadalladii uu Riyadh kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan, Cavusoglu ayaa sheegay in wada-hadallada ay sii socon doonaan.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.