Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Farmaajo “Banaan-bax aan Sharciyeysneyn Ma Yeeleyno” (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Farmaajo “Banaan-bax aan Sharciyeysneyn Ma Yeeleyno” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay banaan bixii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ka dhashay dilkii loo geydtay wiilkii bajaajlaha ahaa iyo qof la socday.

    Hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay dhimashada labada dhalinyarada ah, isagoo tilmaamay in askarta looga baahan yahay inay shacabka naftooda difaacaan.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn.

    “Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweyne Farmaajo ayaan soo hadal qaadin dadka kale ee Shacabka ahaa ee iyana la dilay intii ay banaan baxyada socdeen, waxaana jira warar sheegaya in dadka ay Ciidanka booliska dileen ay gaareyso 4 qof oo uu ku jiray Wiil dhalinyaro ah oo u gargaari jiray dadka barakacayaasha ah.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.