Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Farmaajo “Isbedelo la taaban karro yaan ku sameynaynaa Laamaha ammaanka” (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Farmaajo “Isbedelo la taaban karro yaan ku sameynaynaa Laamaha ammaanka” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya la leedahay waddamada derisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, sabarkana badiyaan, isla markaasna meel looga soo wada jeesto Al Shabaab oo aanay marnaba qalbi-jebin.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

    “Waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka. Waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan.” 
    
 
    Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisu ay dadaal badan gelisay koboca dhaqaalaha dalka wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ka gudubtey shuruudihii Hay’adda IMF ee asaaska u ahaa deyn cafiska Soomaaliya, dakhligii dalkana ay ku korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyay.

    “Dhinaca cafinta deymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymaha. Dhinaca dakhliga, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay.”

    Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. 


    Qodobbada kale ee uu Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ah hirgelinta sharciyada hortabinta u leh hawlaha Xukuumadda sida sharciga la dagaallanka argagixisada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kan xaqsiinta ciidamada, siyaasadda loo dhan yahay, dib u heshiisiinta, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/314718555869843/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.