Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda D/Gobaleedyada oo shir yeelanaya
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda D/Gobaleedyada oo shir yeelanaya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2020Updated:November 25, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa kulan ku yeelanaya todobaadka soo socda aalada ZOOM ee khadka Internet-ka.

    Kulanka oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa looga hadlayaa Arrimaha doorashooyinka Dalka, iyo doodaha ka dhashay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, kuwaas oo ay ka horyimaadeen Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee 2020 – 2021, oo ku doodaya inay kamid yihiin xubno kamid ah Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Xafiisyada Dowladda.

    Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo 3 kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ay doonayaan in aan la kala dirin Guddigan, balse ay iska casilaan Shaqooyinka ay hayaan xubnaha la dhaliilsan yahay ee Guddiga kamidka ah, halka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay doonayaan in la kala diro Guddigan, lana soo dhiso Guddiga ay ka maran yihiin xubnaha la diidan yahay.

    Sarkaal kamid ah Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay la noqon doonaan magacaabista xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashooyinka iyo Khilaafaadka heer Federaal oo aan illaa hada Muqdisho tagin, hadaan si wadajir ah wax ka bedel lagu sameyn Guddiyada, taas oo hadii ay dhacdo culeyska kuĀ  siyaadin doonta Madaxweyne Farmaajo.

    Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha iyo Wakiillada Beesha caalamka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo in la dhiso Guddi farsamo oo haga doorashada, kuwaas oo lagu kalsoonaan karro, Madaxweynaha ayaana u muuqda inuu haatan wajahayo jahwareer Siyaasadeed.

    Shabakadda Idil News – Muqdisho

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.