Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kala-fadhiga 6-aad Baarlamaanka
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kala-fadhiga 6-aad Baarlamaanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maanta oo arbaco ah uu furo Kal-fadhiga 6-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii muddooyinkii la soo dhaafay ay Xildhibaanada fasax ku jireen.

    Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye  ee Iskool Buluusiya ee ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga,isla markaana uu ka jeediyo khudbad dhinacyado taabaneysa, sida uu qabo Dastuurka dalka.

    Furitaanka Kal-fadhiga Lixaad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta sidoo kale goobjoog ka noqon doona Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo dhawaan soo gaarey muqdisho, sidoo kalena tegay Magalada Baydhabo.

    Kal-fadhiyadii 4-aad iyo 5aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa si kala gooni gooni ah u furmay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay oo dhawaan xal ay ka gaareen.

    Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoona Ciidanka amniga Maanta lagu arkayo wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.