Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo la filayo in uu beri u anba baxo Imaaraadka Carabta
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo la filayo in uu beri u anba baxo Imaaraadka Carabta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2017Updated:April 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo maalinta berri uu booqasho ku tagi doono.
     
     
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar iyo nin la taliye u ah Madaxweynaha oo lagu magacaabo Balal Cusmaan ayaa la sheegay inay ka sii hormareen Wafdiga Madaxweynaha, si ay horu-dhac ugu noqdaan safarkiisa maalinta berri.
     
     
    Booqashadan ayaa noqon doonta tii u horeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Imaaraadka, tan iyo markii la doorto, sidoo kale waa booqashadii afaraad ee uu dalka uga ambabaxo muddo lixdan cisho ah oo uu xilka haayo.
     
    Dawlada Fadaraalka Imaaraadka iyo Dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhex jiray xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay saldhiga Imaaraadka ka dhisanayaan Berbera, taasoo dowladdu aad uga soo horjeesatay.
     
     
    Wararka qaar ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga uu ka shaqeeyay isu soo dhowaanshaha Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu horay Madaxweynuhu uu ka dalbaday in Sacuudiga ku taageero in Imaaraadka uu joojiyo saldhigga.
     
     
    Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kula kulmo magaalada Dubai madax ka tirsan dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo in Imaaraadku xiriir dhow oo saaxibtinimo la yeesho Madaxweyne Farmaajo.
     
     
    Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadeysa, xilli labo maalin ka hor magaalada Abu Dhabi heshiis ku kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World iyo Madaxweynaha Puntland, kaasoo ahaa heshiis lagula wareegayo Dekeda Boosaaso, laguna ballaarinayo.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.