Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Farmaajo “Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan inay Carruurta laayaan” (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Farmaajo “Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan inay Carruurta laayaan” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

    “Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan.”

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta.

    “Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan.”

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga Alshabaab, waxa uuna ku ammaanay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale uga saari lahaayeen.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.