Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo daah-furay qorshaha Hormarinta 2021 – 2024 (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo daah-furay qorshaha Hormarinta 2021 – 2024 (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka daah furey qorshaha horumarinta Dowlad goboleedka Jubbaland ee 2021/2024.

    Qorshahaan wuxuu ka kooban yahay Istaraatiijiyadda horumarinta ee wasaaradaha Jubbaland, afartii sanoba mar ayaa la dejiyaa kadibna wasaaradahu waxay galaan fulintiisa.

    Kulanka lagu soo bandhigay qorshaha horumarinta ayaa waxaa kasoo qayb galay golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland, Xildhibaano, Agaasimayayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani oo ku sime wasiir ka ah wasaaradda qorsheynta Jubbaland ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka loo soo diyaariyey qorshaha iyo sida loo fulin doono, wuxuuna sheegay in qorshahaan lagu shaqayn doono afarta sano ee soo socota.

    Kusimaha wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland ahna kuxigeenka wasaaradda Axmed Cabdirisaaq Handal oo faah faahin ka bixiyey qaybta ay ka wasaarad ahaan ku leeyihiin qorshaha iyo sida ay u fulin doonaan ayaa sheegay in dhanka waxbarashada iyo arrimaha bulshada uu qorshahan wax badan ka qaban doono.

    Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Aaden Faarax Gaarane oo ku hadlay afka Agaasimeyaasha wasaaradaha Jubbaland ayaa sheegay in fulinta qorshayaasha horumarinta ee loo dhan yahay ay si wadajir ah uga qayb qaadan doonaan dhammaan wasaaradaha Dowlad goboleedka Jubbaland

    Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Kaamil Yuusuf ayaa dhankiisa sharraxay qaybta ka wasaarad maaliyad ahaan ay ku leeyihiin qorshaha horumarinta Jubbaland, wuxuuna sheegay in qorshuhu xoogga saarayo maareynta dhaqaalaha Jubbaland

    Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ugu dambeyn daah furay qorshaha horumarinta ayaa u mahadceliyay Wasaaradda qorsheynta iyo dhamaan wasaaradaha kale ee ka qayb qaatay diyaarinta qorshahaan, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey sida qorshahaan uga qayb qaadan doono horumarinta guud ee Jubbaland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.