Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne ku- Xigeenka Puntland oo furay Shir Looga Hadlayo Nafaqada Puntland (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne ku- Xigeenka Puntland oo furay Shir Looga Hadlayo Nafaqada Puntland (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay shir ballaaran oo looga hadlayo dhaq-dhaqaaqa kor u qaadista la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garowe.

    Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, waxaa ka qayb galay wasiirada wasaaraha, Caafimaadka, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Haweenka & Horumarinta Qoyska , Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska , Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Waxbarashada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar kamid ah hay’adaha caalami ah.

    Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani yahay mid muhiim ah, waxa uu tilmaamay in dadka ugu badan ee ay soo foodsaarto nafaqadaridu ay kamid yihiin caruurta, dumarka iyo dadka xoolo dhaqatada ah, isla markaana waxa uu cadeeyey Madaxweyne Ku-xigeenka in dawladda ay ka go’antahay kor u qaadidda la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa hay’addaha iyo xukuumaddaba ku booriyey inay dar-dargaliyaan hawlaha shaqo ee lagaga hortegayo Nafaqadarida, iyadoo mar walba maanka lagu haynayo caqabadda ka imaan-kara abaarta ka jirta dalka.

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha iyo xukuumaddaba ka codsaday inay dar-dargeliyaan dhaq-dhaqaaqa lagu dabar goynayo Nafaqo darida, Isla mar’ahaantaana waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeenku ku amray hay’addaha iyo Wasaaraddaha ku shaqada leh arrintani in ay marwalba heegan u ahaadaan ka hortagga Nafaqo darida.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/401078763784315/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.