Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay Xuska Maalinta Biyaha Adduunka (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qaybgalay Xuska Maalinta Biyaha Adduunka (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qayb-galay xuska maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyay Biyaha Adduunka, taas oo laga xuso wadamada adduunka.

    Munaasabadda xuskan waxaa kasoo qayb-galay Wasiir ku-xigeenada wasaaradaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka, Tamarta, Macdanta & Biyaha, Qaar kamida Hay’adaha Caalamiga ah iyo Masuuliyiin kale.

    Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo khudbad ka jeediyay Xuska maalintan ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin shacab waynaha Puntland iyo sida ay dawladdan uga go’an tahay in shacabkeedu ay helaan biyo ku filan.

    ” Maanta xuskeedu waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay abaar xumi ay ka taagan tahay Puntland oo baaq hore looga diray, waxaan qabaa hay’adaha, Culimaa’udiinka, Ganacsatada iyo guud ahaan shacab waynaha Puntland iyo intii hore ee ka qayb qaadan jirtay abaarihii hore ee la soo maray sidii iyo si lamid ah in looga qayb qaato,maanta in la kaco ayaa loo baahan yahay”. ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlayay Xuska Maalinta Caalmiga ah ee Biyaha Aadduunka.

    Madasha Xuska maalintan ayaa lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya dedaalada dawladda iyo ceelal badan oo hay’adda biyuhu sanadihii ugu danbeeyay ka hirgalisay dhammaan gobolada Puntland iyo Sidoo kale baahida dhanka biyaha ee haysta shacabka Puntland.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/557018078401360/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.