Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxda Mashruuca JPLG (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxda Mashruuca JPLG (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowaladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka socotey mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo hugaaminayey maamulaha guud ee mashruuca Mr. Paul Sinkins.

    Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ayaa ah mashruuc lagu horumariyo deeganada Puntland oo ay ka faa’iidaystaan degmooyinka Puntland, Isla’markaana ah mashruuc wadooyin loogu sameeyo degmooyinka Puntland.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cimaan ayaa ku bogaadiyey shaqaalaha iyo madaxda mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG horumarka baaxadda leh iyo bilicda wanaagsan ee ay hormuudka u yihiin.

    Axmed Maxamuud Cali lataliyaha Madaxweyne Ku-xigeenka ee Mashruuca JPLG ayaa ka werbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay intii uu socdey shirka ay wada yeesheen madaxada mashruuca JPLG iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland.

    “Shirka uu Madaxweyne ku-xigeenku la qaatay madaxda mashruuca JPLG waxa uu ku koobnaa isbarasho dhex martay shaqaalaha mashruuca JPLG iyo xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka, qodobada shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa dar-dargalinta iyo dhameystirka maamul daadejinta, macadka taba baridda shaqaalaha dowladaha hoose, kaas oo fursad u ah dowladda Puntland in ay si gaara uga furto magaalada Garoowe si dhakhsaana u shaqyn doona laguna taba bari doono dhammaan shaqaalaha dowladaha hoose,

    Baahinta mashruuca oo la wada gaarsiinayo dhammaan degmooyinka Puntland, soo dhammaystirka iyo doorashada Golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo iyo maayarka degmada jariiban, waxaa kaloo lagu xusay mashruuco in uu muhiim u yahay laf dhabarna u yahay horumarinta degmooyinka Puntland” Ayuu yiri La-taliye Axmed Maxamuud Cali.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/804158136644642/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.