Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo La Kulmay Madax Ka Socota Hay’adda ICRC (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo La Kulmay Madax Ka Socota Hay’adda ICRC (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 17, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil ka socda hay’adda ICRC oo ay hogaaminayso Madaxa ugu sareeya Africa Miss. Patricia Danzi.

    Saraakiishan ka socda hay’adda IRC ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxa ICRC Soomaaliya Mr. Simon Brooks, Ku-xigeenka Madaxa ICRC Soomaaliya Miss. Julia Unger, iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Abdifataax Fandhaal.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Arrimaha shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa, Xoojinta wadashaynta Puntland iyo ICRC, Maxaabiista Puntland iyo Maamulka Somalinad kala haystaan , gaar ahaan kuwii lagu kala qabsaday dagaaladii ugu danbeeyay iyo arrimo la xidhiidha Abaarta ka jirta Puntland.

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka.

    “Maanta Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland waxa uu wada hadal la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda Hay’ada Laan-qayrta Cas ee Adduunka, waxaa ka mid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Puntland iyo hay’adda ICRC oo Madaxweyne ku-xigeenku arrintaa aad uga hadlay,Madaxweyne Axmed Karaash waxa uu hoosta ka xariiqay in waxkasta oo ay u baahan-yihiin oo dadka ay ku gaarsiinayaan caawinaad loo sahli doono, wax caqabad ahna aysan ku imaan doonin”. ayuu yiri wasiirka wasaaradda Caddaalada arimaha diinta iyo dhaqancelinta dawladda Puntland.

    Ugu danbayn Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa madaxda hay’adda ka dalbaday inay gacan ka gaystaan abaaraha ku habsaday shacabka Puntland, waxaa sidoo kale uu uga mahadceliyay shaqadii hore ee ay u qabteen iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay inay sii laba jibbaaraan shaqooyinkooda.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/388426825046831/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.