Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Sagootiyey Madaxii Hore Ee Xafiiska Hay’adda UNDP (Sawirro)
    Puntland

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Sagootiyey Madaxii Hore Ee Xafiiska Hay’adda UNDP (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta sagootin ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe Madaxii hore ee xafiiska hay’adda UNDP Puntland Mr. Sayed Sahibzada.

    Kulanka sagootinta ah ayaa waxaa Ku-simaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Yaasiin Mire Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Xuseen Cabdi Jaamac, La-taliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa kulankani saraakiil ka tirsan xafiiska hay’adda UNDP Puntland.

    Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankani sagootinta ah iyo doorkii uu qaatay Madaxii hore ee hay’adda UNDP Puntland Mr. Sayed Sahibzada intuu uu xafiiska joogey.

    “Kulankani waxa uu ahaa kulan aan ku sagootinayney Mr. Sayed Sahibzada Madaxii hay’adda UNDP Puntland shantii sano ee lasoo dhaafay, Sayed runtii waxa uu ahaa nin Wasaaradaha Dowladda aad ula soo shaqeeeyey, dadka reer Puntland-na ay aad u yaqaaniin, qayb lixadle ayuu ka qaatay qorshihii horumarinta shanti hore ee lasoo dhaafay, kan hadda socdana kulahaa door wanaagsan”.

    “Siyed waa walaal fiican oo u qalma in sagootin loo sameeyo, hadda waxaa shaqo kale looga dhiibay wadanka Syria, Waxaa sagootintan u sameeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo anaga oo qayb ka ahayn, waxaan u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Mr. Sayed Sahibzada.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1324143731086517/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.