Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»VIDEO: Axmed Karaash oo Xarigga ka jaray xarunta Dhallinyarada Tilmaame (Sawirro)
    Puntland

    VIDEO: Axmed Karaash oo Xarigga ka jaray xarunta Dhallinyarada Tilmaame (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 4, 2019Updated:September 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarigga ka jaray xarunta dhallinyarada iyo cilmi baadhista ee Tilmaame, taas oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe.

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, saraakiil ka socda Hay’adda UNFPA iyo Wakiil ka socda Dowladda Finland ayaa mid mid u galay qaybaha kala duwan ee xaruntu ka kooban tahay, waxaana xaruntan loo dhisay in dhallinyarada loogu qareemo, sida la talinta caafimaadka, farsamada gacanta, akhriska, shaqo abuurka, wacyigelinta iyo arrimo kale oo muhiim u ah dhallinyarada Puntland.

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xarigga ka jaray xaruntan cusub ayaa u mahadceliyey cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismahan dhallinyarada Puntland loogu adeegayo, gaar ahaanna Wasasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda UNFPA.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/730902940656433/

    Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku booriyey Wasaaradda iyo Hay’addaha ka qayb qaatay dhismeheeda in xarumahan oo kale ay ka hirgeliyaan magaalooyinka kale ee Puntland, si dhallinyarada Puntland meelkasta oo ay dalka ka joogaan u helaan fursaddan oo kale.

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhallinyaradu u leeyihiin waddankooda iyo dib u dhiskiisa, waxaana uu kula dar-daarmay inay doorkooda ka qaataan dedaalada horumarineed ee socda, isagoo sheegay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay inay gacansiiso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.