Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Trump oo saxiixay wareegto uu ugu aqoonsaday Isreal Golan Heights (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Trump oo saxiixay wareegto uu ugu aqoonsaday Isreal Golan Heights (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WASHINGTON (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Mareykanka ayaa qalinka ku duugay Wareegto uu si rasmi ah Mareykanku ugu aqoonsanayo Buuraleyda Golan Heights dhul ay lee dahay Israel.

    Madaxweyne Trump ayaa saxiixa Go,aankan Madaxa ugu weyneeyay Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo sheegay in aan dalkiisu marna ka tanaasuli doonin Golan Heights, oo ay Suuriya uga qabsadeen Dagaalkii Lixda Maalmood ee Carabta iyo Yuhuudda 1967-kii.

    Saxiixa Wareegtadan ayaa rumaynaysa war uu 21-kii Maarso Twitter-kiisa, kusoo qoray Donald Trump, kaasoo uu ku sheegay in la gaarey xilligii si buuxda Buuraleyda Golan loogu aqoonsan lahaa Israel.

    Sidoo kale, Aqoonsiga Trump ee Buuraleyda Golan Heights, ayaa loo arkaa in uu taageero ugu muujinayo Ra’iisulwasaare Netanyahu oo doorasho galaya 9-ka April.

    Israel ayaa 3 meelood oo 2 meel ka haysata buuraleeyda Golan Heights, iyadoo 1981-kii ku dhawaaqday inay dhulkaa Suuriya ka goosatay, balse waxaa diidey Qaramada Midoobay oo kasoo saartay qaraarkii 497 iyo Beesha Caalamka, iyadoo loo cuskanayo Xeerka Caalamiga ah oo sharci darro ka dhigaya in dal soo duuley uu xeerarkiisa ka hirgeliyo dhul uu xoog ku qabsaday.

    Israel iyo Suuriya ayaa marar badan ka wada hadlay heshiis nabadeed oo ay ku jirto in buuralaydaa loo celiyo Suuriya, balse Yuhuuddu waa diidey.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.