Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mahad Salaad “Duulaankii Farmaajo ee xalay tabar baa u deyrisay ee wada-hadal ma jiro”
    Somalia

    Mahad Salaad “Duulaankii Farmaajo ee xalay tabar baa u deyrisay ee wada-hadal ma jiro”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Mahad Salad oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday DFS ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegay in waan waan lagu dhameeyay xiisadii dagaal ee ka taagneyd Magaalada Muqdisho, taas oo u dhexeysay Ciidan uu horkacayo Gen. Saadiq Joon iyo Ciidammo ka amar qaata Farmaajo.

    Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad.

    Duulaankii Farmaajo iyo kooxdiisu xalay ku soo qaadeen xaafada Shiirkole wada hadal laguma dhamaynin ee tabar ayaa u deyrisay. Kuwa leh waanwaan iyo wadahadal ayaan wax ku dhamaynay waa koox Farmaajo u shaqaysa oo guushiina xaqiraya, goobayana ceebta Farmaajo xalay ku dhacday sidii ay uga mayri lahaayeen. Farmaajo isagaa laga waayay walaalow sharciga iyo dowladnimada dhowr, qabqabta iyo colaada aad hurinaysana jooji. Lkn waxaan cod dheer ugu sheegaynaa wixii aad ka hesho waxaba hanaga siinin.

    Waxaan mahad-balaaran u jeedinayaa dadka aan matalno ee sida geesinimada iyo dhaqsiyaha badan u diyaar garoobay isagana caabiyay duulaankii Farmaajo iyo kooxdiisu ku soo qaadeen xalay. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa saraakiisha ku dhiiraday in ay iska diidaan amaradii qaldanaa ee Farmaajo iyo Biixi doonayeen in ay ku dagaal geliyaan, dakano iyo magac xumo waligood dhacarsatana u soo jiidaan. Annagu cidna duulaan kuma nihin lkn nafteena, maalkeena iyo dadkeena inaan difaacano waa waajib diini iyo dastuuri ah, cidna looga heybeysan maayo inshaa’allah.

    (‎وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ)

    Howli hada ayay kow tahay ee hala diyaar garoobo. Waanan ka guuleysanaynaa cadowga dowlad iyo dimuquraadiyad diidka ah ee nagu dulhabsaday inshaa’allah!

    Mahadsanidiin.

    Hon. Mahad Salad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.