Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mahad Salaad oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Farmaajo
    Somalia

    Mahad Salaad oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 31, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mahad Salaad oo kamid ahaa Xildhibaano saaka laga celiyay xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii ay kala kulmeen Ciidanka lagu gooyay waddooyinka Muqdisho.

    Akhriso qoraalka Mahad Salaad oo uu Facebook soo dhigay.

    SAAKAY MAXAA DHACAY. MAXAASE NALA GUDBOON?

    Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka. Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa dhimanaya iyo kuwa laga dhimanayo isku iyaga ha noqdeen. Ciidamada kale Fahad iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay in ay dhoobnaayeen irida Madaxtooyada ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka!

    Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo kuwii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo isgaranaya ayay ahaayeen. Saraakiishii ciidamadaas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo, kuna amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku ku suganyahay.

    Hadaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “NINKII LOWGA KAA GUBA XAGASHA AYAA LAGA GUBAA”. Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa ee shirarka jaraa’id iyo sheekadaan aan dhamaadka lahayn inta la iska dhaafo, hayin hala noqdo ama heeryada Farmaajo hala iska dulqaado!

    Hon. Mahad Salad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.