Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mahdi M. Guuleed oo weerar afka ah ku qaaday Guddoomiyaha Aqalka Sare
    Somalia

    Mahdi M. Guuleed oo weerar afka ah ku qaaday Guddoomiyaha Aqalka Sare

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 8, 2020Updated:November 8, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay Cabashada & dhaliisha ka imaaneysa Xisbiyada Mucaaradka, Gudoomiyaha Aqalka & qaybaha kala duwan ee Bulshada taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha Guddiga doorashada 20/21 ee Xukuumadda & Dowlad Goboleedyada.

    Guuleed ayaa sheegay in heerar kala duwan loosoo maray dharaandhirinta Doorashada dalka oo ugu dambeyn lagu heshiisay mid dadban balse la kordhiyay Ergada dooraneysa kursiga Xildhibaanka oo la gaarsiiyay 101-Ergo.

    https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158805488731878&id=742346877

    Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Xukuumadda ay magacawdo guddiga doorashada si lamid ah guddigii doorashada 2016-kii uu magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in marar kala duwan uu la kulmay Gudoomiyaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi balse uu ka waayay wax natiijo ah oo dhaxalgal u ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

    “Cabdi Xaashi waa nin diiday in Dalka ay ka dhacdo doorasho qof & Cod ah, waa nin ku sifoobay in uu mucaarad ku noqdo Dowladda Federaalka, waxa uu gabay shaqada Aqalka sare oo aad ogtahay in uusan fadhiyo badan yeelan, dhowrkii sano ee ugu dambeysay qoraalada uu soosaaray waxa ay muujineysaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad ah” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

    Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kahor yimid Guddiga doorashada 20/21 ee loo magacaabay Gobollada Waqooyi (Somaliland), waxaana uu ku tilmaamay in xubnaha la magacaabay qaarkood in uusan gareyn, halka shaqsiyaadka qaar ay kamid yihiin Nabadsugidda qaranka & Madaxtooyada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.