Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maraykanka: FBI oo Gacanta ku dhigtay argagaxiye wayn oo rabay inuu ku biiro Maleeshiyaadka Daacish
    Puntland

    Maraykanka: FBI oo Gacanta ku dhigtay argagaxiye wayn oo rabay inuu ku biiro Maleeshiyaadka Daacish

    ๐•ฏ๐–—. ๐—๐ˆ๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐†By ๐•ฏ๐–—. ๐—๐ˆ๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐†March 1, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhagar qabe Cabdisataar Axmed Xasan ayaa lagu soo oogay Dacwad ka dhan ah in uu agab iyo dhaqaale ku tageeray Kooxda aragagxisadda ah ee Daacish.

    Sida lagu sheegay dacwadda ciqaabta ah, bishii Diseembar 2024-tii, Xasan wuxuu isku dayay labo jeer inuu ka safro Minasoota uuna tago dalka Soomaaliya si uu ugu biiro ugana dhinac dagaalamo maleeshiyaadka Daacish, balse iskuday laba jeer ahi kuma guuleysan. Xasan wuxuu isku dayay inuu qariyo ujeeddada safarkiisa isagoo sheeganaya inuu booqanayo qaraabadiisa, inkastoo uusan wax qaraabo ah ku lahayn Soomaaliya. Wuxuu watay shahaadadiisa dhalashada, shahaadada jinsiyadda, iyo shahaadada dugsiga sare.

    Baaritaanka FBI-du wuxuu muujiyey in Hassan si furan uga taageeray ISIS baraha bulshada, isagoo daabacay farriimo badan. Sidoo kale, wuxuu la xiriiray akoon Facebook ah oo la yiraahdo Manjaniq Media Center, kaasoo dhiirrigeliya dad inay u safraan ISIS kuna sheegaya inay yihiin warbaahinta Khilaafada Islaamka.

    Baaritaanku wuxuu sidoo kale muujiyay in Xasan uu amaanay Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa dambiilihii fuliyay weerarkii argagixisadda ee ka dhacay New Orleans, Louisiana, 1-dii Janaayo 2025.

    21-kii Bishii Febraayo, Xasan wuxuu soo dhigay muuqaal isaga oo gaari wata, gacantana ku haysta calanka madoow oo yar kaas oo ah borobagaandada Daacish ku faafiso. Sidoo kale, wuxuu soo dhigay muuqaal kale isaga oo gaari wada oo mindi ku haysta jilbihiisa.

    26-kii Bishii Febraayo 2025, FBI-da ayaa aragtay Xasan oo mar kale gaari wada isagoo calanka Daacish gacanta ku haya.

    Daacish ISIS Islamic State (IS) Soomaaliya
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    October 17, 2026

    Ethiopiaโ€™s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    October 17, 2026

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    October 17, 2026
    Latest Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopiaโ€™s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar โ€œLa i aamusin maayoโ€

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.