Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo goor dhaweyd bayaan soo saaray ayaa shaaciyay in ay nawaaxiga Boosaaso ka fuliyeen duqeyn ka dhana kooxda IS1*S
Warkan ka soo baxay AFRICOM ayay ku sheegeen in ay 11th bishan Jan. 2026 duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel Boosaaso u jirta qiyaastii 27km, islamarkaana koonfur bari kaga beegan.
Taliska AFRICOM ayaa tilmaamay in duqeyntaasi lagu beegsaday xubno ka tirsan IS*1S, balse ma sheegin khasaarihii kooxda gaaray.
Waa duqeyntii 6aad ee AFRICOM ka fuliyaan nawaaxiga Boosaaso 11-kii cisho ee u horreeyay bishan Jannaayo, sida ku qoran warbixinaha ay soo saareen.
Hoos akhri bayaanka AFRICOM.
