Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka “Awoodda istiraatiijiyadeed waxay u muuqtaa inay u janjeerto Taalibaan”
    Somalia

    Mareykanka “Awoodda istiraatiijiyadeed waxay u muuqtaa inay u janjeerto Taalibaan”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 22, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qiyaasaha muujinaya in Taalibaan ay si deg deg ah ula wareegeyso dhulka Afghanistan oo dhan maahan dhalanteed, sida uu sheegayo sarkaalka ugu sareeya milatariga Mareykanka oo qiraya in bilaha soo socda ay “tijaabo u noqon doonto rabitaanka iyo hoggaaminta” dowladda Afghanistan.

    General Mark Milley oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa sheegay Arbacadii in ilaa 212 ka mid ah xarumaha degmooyinka Afghanistan oo ah qiyaastii kala bar ay hada ku jiraan gacanta Taaliban iyo in ciidamada Taaliban ay ku sii siqayaan duleedka 17 ka mid ah 34 magaalo madaxyada gobolada dalka.

    “Awoodda istiraatiijiyadeed waxay u muuqtaa inay u janjeerto dhinaca Taalibaan,” ayuu yiri General oo suxufiyiinta kula hadlayay Waaxda Gaashandhigga Mareykanka ee Pentagon.

    “Waxay isku dayayaan inay go’doomiyaan magaalooyinka ugu waaweyn ee ugu dadka badan. Waxay isku dayayaan inay sidaas oo kale ku sameeyaan Kabul, qiyaas ahaanna dhul aad u tiro badan ayaa la qabsaday” ayuu sii raaciyay General Milley.

    Qirashadan ayaa imaaneysa laba bilood iyo bar kaddib markii Maraykanka iyo xulafadiisu bilaabeen inay kala baxaan ciidamadooda ugu dambeeyay ee dagaalka Afghanistan, inkasta oo ay damaanad ka heleen saraakiisha ugu sareysa Maraykanka, oo uu ku jiro Madaxweyne Joe Biden, in qabsashada Taaliban ay tahay “mid aan aad u badnayn.”

    Tiro ka tirsan hay’adaha sirdoonka ah ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay digniintan, iyadoo warbixintii Qaramada Midoobay ee bishii hore ku sheegay in Taaliban isku diyaarineyso in ay xoog kula wareegto wixii aysan wadahadal ku heli karin.

    Warbixintaas ayaa sidoo kale ka digtay in ku-xigeennada ugu sarreeya Taalibaan “ay doorbidayaan xal militari.”

    Si kastaba ha ahaatee, General Milley wuxuu ka digay inay khalad tahay in la rumeeyo sheekada Taalibaan ee ah in ciidamada amniga ee Afghanistan ay ku milmayaan khilaafka.

    Howlwadeenna qaabilsan qorshaha ka bixista militariga Mareykanka ee Afghanistan ayaa sheegay in ilaa isbuucii la soo dhaafay, 95% ka bixitaankii militariga Mareykanka la dhameystiray, iyo sidoo kale in Mareykanku uu wali ku socdo xawaare uu ku dhameystirayo bixitaanka ciidankiisa dabayaaqada bisha soo socota ee August.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.