Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo $199 milyan oo horleh ugu deeqay Soomaaliya
    Somalia

    Mareykanka oo $199 milyan oo horleh ugu deeqay Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 28, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    owladda Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday gargaar bani’aadannimo oo cusub oo ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah dalalka deriska.

    War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in Dowladda Mareykanka ay ku biirineyso lacag dhan ku dhawaad 199 milyan oo dollar, kaalmada bani’aadannimo ee ay sannadkaan ugu deeqday shacabka Soomaaliya siisay.

    Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isu biirsadeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin sannado badan oo cunto-yari ah, qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, taasoo ay uga sii dartay saameynta COVID-19 iyo ayax dhawaan ku habsaday dalka.

    Deeqdaan lacageed ayay dowladda Mareykanka dadka Soomaaliyeed u sii marsiisay Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Mareykanka ee loo soo gaabiyo (USAID) iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda. Waxana tani ay ka dhigeysaa in guud ahaan sanadkaan 2021-ka ay dowladda Mareykanka ugu deeqday dadka Soomaaliya lacag ka badan $408 milyan oo doolar.

    Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lacagtaan lagu caawin doono dad gaaraya lix milyan oo Soomaali ah oo hadda u baahan gar-gaar bani’aadannimo. Dadkaan ayaa waxaa ka mid ah sadddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha dalka iyo ku dhawaad nus milyan qof oo qaxooti ku ah xeryaha qaxootiga ee dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.