Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo ka horyimid siyaasadda Xassan Shiikh
    Somalia

    Mareykanka oo ka horyimid siyaasadda Xassan Shiikh

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 21, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley ayaa uga digay Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud in uu kusii socdo siyaasadda dhaawacaysa nidaamka Dowlad dhiska Soomaaliya.

    Kulanka dhexmaray Xassan Shiikh iyo Danjire Richard H. Riley ayaa lagu weydiiyay Xassan sababta keentay in uu iclaamiyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee aan waafaqsaneyn xal u helida khilaafka Villa Somalia iyo Puntland iyo Jubbaland, xilli horey loogala hadlay in uu u yeero dhammaan dhinacyada qeybta ka ah madasha.

    Xassan Shiikh ayaa ka dhaga adeegay soo jeedin ka timid dhinaca Mareykanka, oo ah in dib loogu yeero dhammaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay Jubbaland kamid tahay, ayna Soomaalidu xal ka gaadho khilaafka siyaasiga ah, si hor u socod looga sameeyo hannaanka Dowlad dhiska iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

    Intaa kaddib, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is maan dhaaf soo kala dhex galay Xassan Shiikh iyo Danjiraha Mareykanka.

    Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in Mareykanku uu doonayo in la joojiyo howlgalka midowga Africa, iyo taageerada saaxiibada caalamiga ah ee dhanka Amniga, bedelkeedana la qabto shir degdeg ah oo ka dhaca dalka Ugandha, kaas oo looga arinsanayo xaalka cakiran ee Soomaaliya, runtana loogu sheego Xassan Shiikh.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    January 6, 2026

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    January 6, 2026

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    January 5, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Qabashada Madoru oo fadeexad ku noqotay Shiinaha.

    Todobaadkii Labaad oo Banaanbaxyo waa weyn ka socdaan Iran

    Gudiga farsamada Golaha Mustaqbalka Somaliyed oo kulan uga furmay Garowe

    Maxay kawada hadleen Xasan Shiikh iyo Sh.Shariif?

    Faallo:-Qabashada Moduro iyo saamaynta caalamka?

    Faallo:-Loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Ee Yemen?

    Xog:-Shidaal baarista Turkigu ka wado Somaliya?

    Maraykanka oo weeraray gudaha caasimada Venezuela

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.