Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo Warbixin kasoo saaray duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya
    Somalia

    Mareykanka oo Warbixin kasoo saaray duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin qiimayn ah oo ka soo baxday Taliska Ciidamada Maraykanka u qaabilsan Africa ayaa faahfaahin ka bixisay weerarada ay ciidanka maraykanku ka fuliyeen Qaaradda Africa iyo tirada khasaaraha ee soo gaaray dadka rayidka ah ee la soo sheegay

    Sida lagu sheegay Warbixintii ugu dambeysay ee qiimeynta qasaaraha rayidka oo ku ekayd 31kii Dec. 2020, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ma helin warbixino cusub oo ku saabsan qasaaraha dadka rayidka ah wuxuuna xiray labo ka mid ah seddex kiis oo furan.

    Warbixintan ayaa noqonaysa tii afaraad ee qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo markii Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabay sii deynta warbixinnada bishii Abriil 2020 taasoo qeyb ka ah ballanqaadkeeda kordhinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

    Taliska ciidmada maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in dhawaan uu helay laba warbixin oo ku saabsan khasaaraha rayidka tan iyo markii la xiray warbixintan.

    Warbixinadan cusubi waxay ka imanayaan laba weerar oo cirka ah oo la kala qaaday Jan.1, 2021 iyo Jan. 19, 2021. Labada warbixinadan cusub ayaa hada la qiimeynayaa waxaana looga hadli doonaa warbixin seddex biloodle ah oo mustaqbalka ah. Waxay ku qoran yihiin sidoo kale furan.

    Sida ku xusan warsaxaafaded uu soo saaray Talaiska ciidmada maraykanka ee Africa, Bishii January, talisku wuxuu dhameystiray awaamiirtii madaxweynaha ee ahayd in ciidamada Mareykanka laga soo celiyo Soomaaliya oo la geeyo meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika.

    Mareykanka ayaa meelaha uu weerarada ka geysto waxaa kamid ah Soomaaliya, waxaana mararka qaar uu duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadaa Xarumaha Al-Shabaab eek u yaal Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.