Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»“Mashruuca Baxnaano ee Farmaajo oo fashilmay!!
    Somalia

    “Mashruuca Baxnaano ee Farmaajo oo fashilmay!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 19, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warkii ay Madaxtooyada Fadaraalku faafisay ee ku saabsanaa Mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya oo laga daba tagay.

    Qoraal Madaxtooyada kasoo baxay shalay,ayaa lagu sheegay in mashruuca Baxnaano taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah.

    Wajigiisa1-aad ayaa waxaa ka faa’iideysan doona sida warkaas lagu sheegay 1.3-Malyan oo qof.

    Sida warkaas lagu sheegay lacagta loogu talaglay barnaamijka Baxnaano,ayaa dhan 4-Milyan oo Dollar bil walba.

    Wasiir Saadiq Warfaa,ayaa warka badalan midka Madaxtooyada baraha bulshada ku faafiyey,kaasoo muujinaya in wejiga hore ee Mashruuca ay ka faa’idsysan doonaan 200,000 qoys oo ah kuwa ugu tabarta yar bulshada,iyadoo loo qaybin doono bil walba lacag dhan 1.3 Milyan Dollar.

    Hadalka Wasiirka wax weyn masoo kordhin kaliya waxuu yareeyay tirada Dadka ka faa’idaysanaya Mahruucan ee ay Madaxtooyada Fadaraalku horay ugu faantay.

    Mashruucan,ayaa ah mid horey usocday oo ay fulinayeen Hay’ado ka tirsan Qaramada-Midoobay,gaar ahaan Unicef,iyadoo uu maalgalinayay Baanka Aduunka.

    Dowlada Fadaraalka mashruucan lacag ay leedahay kuma maalgalin,mana ahan Canshuur ay dib ugu celisay Dadweynaha.

    Farmaajo xarig jarkiisii shalay waxuu ahaa igu sawirta caadada u ahayd.

    Bulshada waxaa la yaab iyo amakaag ku noqotay in Madaxweynihii Jamhuuriyada lacag yar oo sadaqo ah gaaraysanaya calaa Qoys 7-dolar oo caalamka ka timid in uu ku sheego taageero dhaqaale oo Dowladu ubilowday shacabka.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.