Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga dooday Shirka Golaha Wasiirada Jubaland?
    Somalia

    Maxaa looga dooday Shirka Golaha Wasiirada Jubaland?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubaland 28 Janaayo 2021 waxaa
    looga hadlay Arrimaha…

    Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintii
    Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD.

    Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen in arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beesha
    caalamka.

    1.Dagaalkii ka dhacey degmada Baladxaawo oo sababey khasaare naf iyo maalba leh waxay goluhu u tacsiyeynayaan dadkii ku dhintey dagaalkaas, waxayna ilaahey uga baryayaan inuu ilaahey caafiyo intii ku dhaawacantey.

    2.Waxay goluhu cambaareeyeen kuwii sababey dhibaatadaas ayagoo huwan magaca qaranka Soomaaliyeed, waxaa wax aad looga xumaado ah sida ay ula dhaqmeen kuwa sheeganayey magaca ciidanka qaranka Soomaaliyeed askartii ka tirsaneyd
    ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ay u gaysteen jirdilka foosha xun, dilka iyo inay ku qasbaan waxaan jirin inay sheegaan iyagoo ku marin habaabinaya ummada soomaaliyeed
    taasoo ugub ku ah taariikhda ummada soomaaliyeed. Dowlada Jubbaland waxay sidookale cambaareynaysaa in masuuliyiin
    iyo madax sheeganaya magaca qaranka ay ku faanaan dilka iyo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed kuna tilmaamaan guulo u soo hoydey.

    3.Waxay goluhu aad u soo dhaweynayaan go’aankii geesinimada lahaa ee Madaxweynaha Jubbaland uu ku amrey in Ciidamadii Jubbaland ee Baladxaawo qabsadey ay dib ugu noqdaan fariisimahoodii hore si loo badbaadiyo shacabka iyo hantida
    bulshada reer Baladxaawo, Maadaama uu dagaalku isku badaley mid lagu dhex dagaalamayo magaalada iyo maatida
    dhexdeeda.

    4.Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqo raadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ah dhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaalada gobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oo cadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka.

    5.Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa magacaabida Gudiyada Maamulka Doorashada Qaranka ee Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ee heer Dowlad goboleed taas oo uu goluhu u arkey tallaabo sax ah oo horey loo qaadey. Wuxuu goluhu hoosta ka xariiqey inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka Golaha wadatashiga qaranka ee lagu baaqey si loo xalliyo caqabadaha hor taagan Doorashooyinka.

    Ugu dambeyn Goluhu wuxuu ka digayaa cid kasta oo sameysa doorasho aan la isku waafaqsaneyn inay masuul ka noqoneyso
    dhibaatada ka timaada, Golaha wasiirada Jubbaland waxay ugu baaqaayaan Madaxweynaha DFS inuu qaato doorkiisa
    hogaamineed iyo masuuliyada ka saaran badbaadinta Dalka.

    ………………………………………..Dhammaad………………………………

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.