Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ? (Sawirro)
    Somalia

    Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ? (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020Updated:January 11, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa war kasoo saartay kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo soo gaaray Boosaaso.

    Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Donald Yamamoto, ay ka wada-hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu shaaciyay Madaxtooyadda Puntland.

    Ilo-wareedyo ku dhowaa kulanka labada Masuul ayaa sheegay in la isla soo qaaday sharciga Batroolka, Danjire Donald Yamamoto uu si cad ugu sheegay Madaxweyne Deni in uu taageero sharciga shidaalka, lagana laabto go’aanka diidmada ah ee Puntland shaacisay, taas oo uu ka biyo diiday Madaxweynaha Puntland.

    Dowlada Maraykanka ayaa gadaal ka riixaysaa sharciga shidaalka ee ay dhawaan ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka, kaas oo ay Puntland si cad uga hor-timid ayna sheegtay in aysan aqbali doonin.

    Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Mareykanka ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha, waxaana uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee Madaxweyne Puntland uu safiir kula qaato Garoon diyaaradeed, Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaana ku tilmaamay kulan waji gabax ku ahaa Puntland.

    Sidoo kale, Kulanka maanta ayaa muujinayay in Madaxweyne Deni uu ku fashilmay siyaasada iyo ammaanka Puntland gudaha, sida ay qabaan khubaradu.

    Maraykanku waxuu soo ahaa 20-kii sano ee Puntland jirtay saaxiip muhiim ah oo ay iska kaashadaan amaanka iyo siyaasada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.