Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland maanta ? (VIDEO)
    Somalia

    Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland maanta ? (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 3, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Xukuumada Jubbaland kaasoo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

    Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu horeyn Golaha Wasiiradda oga warbixiyey xaalada siyaasadda Dalka, Amniga iyo Dowladaha Hoose oo dhawaan dhismahooda laga bilaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

    Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dheeraaday xaalada siyaasada Dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee inagu soo fooda leh.

    Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato doorashooyinka iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ahi ay ku saxiixeen Magaalada Muqdisho.

    Gobolka Gedo ayuu sheegay Madaxweynaha in dhibaato weyn ay ku hayaan Ciidamada ay geeysay Dowlada Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo gabi ahaanba xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

    Ugu dambeyn Madaxweynaha Ayaa Wasaarada arrimaha gudaha ku bogaadiyey yagleelida Maamulka Degmada Afmadow kaas oo ay shacabku soo doorteen hogaanka degmada taas oo bilow fiican u ah dhismaha Dowladaha hoose ee degmooyinka Jubbaland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.