Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland ? (Sawirro)
    Somalia

    Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland ? (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada waxaana ugu horayn lagaga hadlay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golahu uu amaanay dadaalka Hay’adaha amaanka waxaa kale oo golahu uu ka hadlay sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

    Waxaa golahu uu ka dooday dardar galinta adeegyada garsoorka iyadoo Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka ay ka warbixisay hanaanka dib u dhiska Xabsiyada Jubbaland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo oo dhismahiisu uu dhawaan bilaabanayo isla markana lacagtii ku bixi lahayd la diyaariyay.

    Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in Waxbarasho dibada ah dhawaan loo dirayo 12 Arday oo soo baranaysa sharciga iyo arimaha garsoorka iyadoo kuwo Waxbarashada soo dhamaystayna ay dib ugu soo noqonayaan Jubbaland dhawaan.

    Wasaarada Xanaanada xoolaha ayaa laga dhagaystay Warbixin ku saabsan hanaanka talaalka xoolaha nool oo maraysa meel wanaagsan isla markana hada uu socdo talaalka in ka badan Sideed Milyan oo xoolo nool ah kuwaas oo laga hirgalinayo dhamaan deegaanada Jubbaland.

    Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen hanaanka biyo galinta Magaalada Kismaayo iyo gaadhsiinta biyaha nadiifta ah deegaano kale oo katirsan Jubbaland waxaana howsha biyo galinta Magaalada Kismaayo ay marayso gaba gabo.

    Golaha Xukuumada Jubbaland waxaa ay sidoo kale kulankooda maanta kaga hadleen tayada shidaalka laga isticmaalo deegaanada Jubbaland iyadoo marar qaar ay sababto in ay xumaadan gawaarida cilado ka jira tayada shidaalka darteed Xukuumadu waxaa ay soo jeedisay in aad loo hubiyo tayada shidaalka ay soo iibsanayaan dadka ree Jubbaland.

    Adeegyada korantada ayaa sidoo kale golahu uu ka dooday saamaynta ka dhasha qalabka ay shirkadaha korantada isticmaalan oo khatar ku ah bad qabka Bulshada waxaana golahu uu isku raacay in tayada agabka ay shirkadahu isticmaalan ay noqdaan kuwo la hubiyay oo wixii dhibaato ah oo kasoo gaadha dadka shacabka ah ay qaadayaan shirkadaha korantada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.