Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka og-tahay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga Col. Sumeysane ?
    Somalia

    Maxaad ka og-tahay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga Col. Sumeysane ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa maalin kahor xabsiga u taxaabay Col. Maxamuud Cabdullqaadir Sumaysane oo ahaa Talyihii Ururka 21-aad ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland, Iyadoona xogo dheeraad ah ay kasoo baxayaan sababaha ka dambeeyay xiraga Col. Sumeysane.

    Warar ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa muujinaya in sababo is biirsaday ay ka dambeeyeen xariga Col. Sumeysane, kuwaas oo ay ugu weyn tahay gacan qaad uu u geystay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, xilli uu socday kulan uu guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Col. Sumeysane uu sidoo kale hanjabaad u jeediyay Wasiirka, taas oo ka careysiisay Madaxweyne Deni oo kulanka oo looga hadlayay Tayaynta iyo Tirakoobka Ciidanka goobjoog ahaa.

    Sidoo kale, Col. Sumeysane ayaa lagu eedeeyay inuu hormuud u yahay Saraakiisha hor-taagan Tirakoobka Ciidanka, isagoona hoggaaminayay Ciidan dhowaan soo baneeyay jiidaha dagaalka dul-dagayna Magaalada Boosaaso, kuwaas oo ku andacoonayay inuu ka maqan yahay Mushaar Labo bilood ah, balse markii dambe la siiyay.

    Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday dadaalo lagu Tirakoobayo, laguna tayaynayo Ciidanka Ammaanka ee ay ugu horeeyaan Daraawiish-ta oo sanadihii ugu dambeeyay aad u kala daadsanaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.