Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaan safiirka cusub Ee Mareykanka u soo dirayo Somaliya?
    Somalia

    Maxaad ka taqaan safiirka cusub Ee Mareykanka u soo dirayo Somaliya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 30, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanka oo kor uqaadaya hawlgaladiisa Diblomaasiyadeed iyo amni ee Aftika gaar ahaan Geeska,ayaa badalay Safiirkiisa Somaliya.

    Wal walka ugu weyn ee Maraykanka,waa saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku yeelanayo Afrika,isagoo taa ka hor tagaya,ayuu Richard H. Riley loosoo wakiishay hogaaminta diblomaasiyada Maraykanka Dalka colaaduhu la dageen ee Somaliya.

    Richard,wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka.

    Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan.

    Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo.

    Richard H. Riley waxa uu safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan kasoo qabtay xilka ku xigeenka howlgalka ee safaaradda.

    Waa nin si weyn uga dhex muuqday arrimaha diblumaasiyadda Mareykanka,

    Waxaa sidoo kale xilalkii uu soo qabtay:

    Ku xigeenka guud ee arrimaha howlgalka safaraadda Mareykanka ee magaalada Sanca ee waddanka Yemen.

    Wuxuu ka mid ahaa saraakiil hoggaamineysay koox gaar ah oo Mareyknaka u qaabilsaneyd dib u dhiska gobolka Nangahar ee dalka Afghanistan.

    Wuxuu soo noqday Agaasime ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Masar iyo dhulka Shaam.

    Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad wuxuu mar kasoo noqday madaxa isku duwidda arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka.

    Richard H. Rile, safiirka cusub ee loo magacaabay Soomaaliya wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay dalal dhowr oo ay kamid yihiin, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Jamaiga.

    Wuxuu shahaadada labaad ee jaamacadda uu ka heystaa jaamacadda Harvard gaar ahaan qeybta ganacsiga, sidoo kale shahaadada labaad wuxuu ka qaatay jaamacadda National Defense isagoo ku takhasusay culuumta istaraatiijiyadda amniga caalamka.

    Richard H. Rile, wuxuu bartay luqadaha Pashto, Carabi, Ruushka, Faransiiska iyo luuqadda Mandarin ee looga hadlo dalka Shiinaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.